DHAGEYSO:Ruto oo markii ugu horreysay si toos ah uga jawaabay soo jeedin maalmo ka hor uga timid madaxweyne Uhuru Kenyatta

0
707

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa markii ugu horreysay si toos ah uga jawaabay soo jeedin maalmo ka hor uga timid madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta oo ku xigeenkiisa ku eedeyay inuusan daacad u ahayn maamulka talada haya ee Jubilee ayaa kula taliyay inuu is casilo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in Ruto uunan waxqabadka dowladda u adeegsan karin inuu ku qanciyo kenyaanka si ay sanadka 2022-ka u soo doortaan isagoo dhanka kale dhaliilaya dowladda uu ka tirsan yahay.
Hasa ahaate William Ruto ayaa xusay inuusan is casili doonin maadaama hadii uu tallaabadan qaado sida uu hadalka u dhigay ay meel ka dhac ku tahay rabitaanka codbixiyayaashii xilli hore safaf u galay inay u codeyaan.
Ruto waxaa uu leeyahay hadii aan aniga cabsado oo aan is-dhiibo xafiiskana aan banneeyo halkeey maciin bidayaan dadka isoo doortay ee wajahaya dhibaatooyinka kala duwan si aan u xalliyo caqabadaha haysta.