Eedeysane loo haysto inuu kenyaanka lacago uga dhacay shaqooyin waxba kama jiraan ah oo berri la maxkamadeynaya

0
733

Waxaa la filayaa in berri oo Isniin ah uu maxkamadda ka soo hormuuqdo eedeysane lagu magacaabo Bonface Ouko.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa tuhmanaha ku sheegtay kan ugu muhiimsan ee lala xiriirinayo qorsho shakhsiyaad dhowr ah lacago looga dhacay ka dib markii loo ballanqaaday shaqooyin been abuur ah.
Waxaa uu Bonface ku andacoonayay in shaqooyinkan ay ka bannaan yihiin gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA , magaalada Nairobi.
Saraakiisha dambi baarista ayaa dhawaan gacanta ku dhigay Bonface Ouko oo dadka shaqo doonka ah qarashaad ka qaadayay ka hor inta uunan siin warqad been abuur oo muujinaysa in qofkaasi la shaqaaleysiiyay.
Lacagahan ayuu eedeysanaha sheegay in lagu bixinayo qarashaadka dhanka caafimaadka , kaarka ilaalada , turxaan bixinta shaqo iyo dareeska .
Waxaa hadda lagu hayaa saldhigga booliska ee garoonka JKIA ka hor inta aan berri dacwad lagu soo oogin.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka waxay cid kasta oo ay khiyaanadan saameysay ku wargelisay inay tagto xafiisyada dambi baarista ee gagida JKIA oo ay halkaasi warbixin ku gudbiso.