Kulamo saacado badan qaatay oo dhexmaray, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hir-Shabeelle, Ugaas Xasan Ugaas Rooble & Odayaasha Dhaqanka degmada Beledweyne ayaa lagu guuleystay in xal laga gaaro Ciidamadii ka gadooday in Madaxweyne Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu tago Magaalada Beledweyne.
Kulamadaan oo uu hogaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Rooble ayaa waxaa lagu heshiiyay in laga qaado Ciidamadii qabsaday Xarunta Maamulka , iyo xerada Gaaska 5-aad Militariga Soomaaliya ee lama galaay.
Wararka kulamadaas laga helayo ayaa sheegaya in Ciidamada gadooday ee Xerooyinka la wareegay ay soo bandhigeen shuruudo ay uga baxayaan Xarunta, kuwaas oo ay kamid yihiin.
1:in aanan loo raacanin wax daalac ah, lana bar tilmaameedsan, laguna soo oogin Kiisas Maxkameed.
2:In loo fasaxo Mushaaraad horey looga xayiray iyo darajooyin laga masuq Maasuqay sida ay sheegeen.
3:in dib loogu Celiyo xilal ay ka hayeen Ciidamada kala duwan oo si Sharci darro ah looga qaaday sida ay hadalka u dhigeen.
Wararku ayaa waxay intaasi ku darayaan in shuruudahaas ay aqbaleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, iyo Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle, waxaana la faray Ciidamada ku sugan Xerada lama galaay iyo Xarunta maamulka gobolka inay dib ugu laabtaan fariisimihii ay ka tirsanaayeen ee Xerooyinka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 27aad.
Maanta galinka hore ayaa waxaa la filayaa inay Ciidamada dib ugu laabtaan Xeryahooda, isla markaana Gudoomiyaha Gobolka, Duqa magaalada iyo Xafiisyadii kale ee Shaqadoodu istaagtay ayaa dib u howl bilaabaan maadaama Shaqooyinkooda ay hakad galeen maalmihii la soo dhaafay.
Taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay inaan weli laga heshiin in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Beledweyne, balse kaliya laga heshiiyay Gadoodkii ay sameeyeen Ciidamada Xoogga dalka eek u sugan Beledweyne.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ka taagnaa xiisad ka dhalatay safar la sheegay in Madaxweynaha Hir-Shabeelle ku tegi lahaa magaaladaasi Beledweyne, walow ugu dambeyntt uu baaqday safarkaasi.