William Ruto “Mashquul ayaan ahay ma daneynayo cid ilaalo haysato ama haysan”

0
692

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay inuu mashquul yahay islamarkaana uusan saraakiisha dowladda kala hadli doonin arrinta ku saabsan ilaaladiisa laga wareejiyay.
Dr. Ruto oo hadalkan ka jeediyay aaska seneterkii geriyooday Victor Prengei ayaa sheegay inuu ku mashquulsan yahay sidii dhaqaalaha dalka loo kobcin laga iyada oo laga soo bilaabayo dadka hoose.
Xulafadiisa oo ay ka mid tahay senetarradda sida magacaabid ku gashay aqalka sare Millicent Omanga ayaa dhaliishay talaabadaasi, waxayna sheegtay in xulafadiisa ay ilaaalinayaan.
Senaterka Ismaamulka Nakuru Susan Kihika, oo Iyana ka mid ah xulafada madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegtay in taageerayashiisa ay ilaalinayaan.
Dhanka kale, laanta qaran ee adeegga booliska ayaa daaqadda ka tuurtay walaaca ay qabaan xulafada madaxweyna ku xigeenka ka dib markii lagala laabtay saarakiisha booliska ee sida gaarka u tababaran ee GSU-da oo ilaalo ka ahayd gurigiisa rasmiga ee xaafada Kareen ee magaalada Nairobi islamarkaana lagu beddelay ciidamda qaabilsan maamulka ee AP-da.