Nin 27 sano jir ah oo la sheegay inuu faraxumeeyay gabar 4 sano jir ah ka ddibna ka takhalusay ayay ciidamada dambi baarayaasha gacanta ku dhigeen.
Waxaa eedeysanaha laga soo qabtay ismaamulka Kirinyaga.
Taliyaha Boliiska ee deegaanka hoose ee Gichugu Anthony Mbogo ayaa sheegay in tuhmanaha oo lagu magacaabo Gabriel Muchira Muriithi laga soo qabtay hooygiisa xalay fiidkii, ka dib baaritaanno ay sameeyeen dambi baarayaasha oo uu saldhigoodu yahay bariga dowlad deegaanka Kirinyaga.
Meydka gabadha yar oo ahayd arday dhiganaysay dugsi hoose dhexe ayaa meydkeyda laga helay hareeraha webiga Karani 11-kii bishaan.
Baaritaan ay sameeyeen ciidamada DCI-da ayaa lagu ogaaday in gabadhaas yar la faraxumeeyay ka hor inta aan la dilin.
Mr. Mbogo ayaa sheegay in tuhmanaha koowaad ee dhacdadaas loo xiray lagu hayo saldhigga booliiska Kianyaga isagoo sugaya habraaca sharciga inta maxkamad la soo taagayo maalinta Isniinta ah ee 30-ka bishaan.