Xisbiga TSP ayaa shaaca ka qaaday inay u sharraxan yihiin jago kasta oo la doorto marka laga reebo jagada madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Waxaa uu xisbiga sheegay inuu u diyaargaroowaya codbixinta sida weyn loo sugayo, islamarkaana dhawaan uu u wici doona musharraxiinta doonaya in xisbigooda ku matalaan doorashada guud ee soo socota.
Hoggaamiyaha xisbiga TSP Mwangi Kiunjuri ayaa xusay in kenyaanka ay cod dheer ku sheegay in markan aysan u codeyn doonin siyaasiyiinta danaha gaarka wata.
Hadalkan ayuu ka jeediyay ismaamulka Embu ka dib kulan wadatashi ah oo labo cisho socoday islamarkaana uu la yeeshay musharraxiinta u tartamaya kuraasta baarlamaanka iyo guddoomiyaasha ismamuullada kuwaas oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee dalka.
Waxaa uu ku boorriyay golaha qaran ee xeer dejinta inay si degdeg ah ula socdaan dhammaan sharciyada la xiriira doorashada si doorashooyinka guud ay si hufnaan ah dalka uga qabsoomaan.
Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shacabka kenyaanka ah inay qaataan kaararka aqoonsiga ee qaran ee ID ayna iska diiwaan geliyaan codbixinta.