Xildhibaanka laga soo doortay galbeedka Narok Gabriel Tongoyo iyo dhiggiisa bariga Narok Ken Aramat ayaa si kulul u cambaareeyay falkii looga wareejiyay ciidamda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da oo ilaalinayay hooyga ku xigeenka madaxweynaha dalka ee Ruto.
Hoggaamiyaasha ayaa sheegay in dowladda laga doonaya inay sharraxaad faahfaahsan ka bixiso isbeddelka ilaallada hooyga Ruto ayna caddeyso iyadoo aan shaki laga qabin in tallaabadaas aysan ahayn mid siyaasadeysan.
26-kii bishaan ayay ahayd markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da oo ilaalinayay hooyga Ruto halkaasi lagu wareejiyay.
Waxaa lagu beddelay booliska maamulka ee loo yaqaano AP-da taasoo ay xulafada madaxweyne ku xigeenka dhaliileen.
Hasa ahaate waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa isbeddelkan ku tilmaantay mid caadi ah.
Xoghayaha isgaarsiinta ee madaxweyne ku xigeenka David Mugonyi ayaa sheegay inaysan helin wax sharraxaad ah oo ku saabsan beddelka waardiyahaasha hooyga WillIam Ruto islamarkaana tilmaamay in arrintaasi ay tahay sharci darro ah.
Waxaa uu intaa ku daray in dhammaan ciidamadii GSU-da laga qaaday hooyga Ruto.