Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa wacad ku maray inuu ka aargudan doono kuwa dambeeya labadii qarax ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee dalka Afghanistan oo ay ku dhinteen 85 qof oo 13 ka mid ah ay ahaayeen sarkaakiil ka tirsanaa ciidamada Maraykanka.
Waxaa uu sheegay inuu ugaarsan doono kuwa mas’uulka ka ah weerarkaasi islamarkaana laga qaadi doono tallaabada ay mudan yihiin.
“Kuwii fuliyay weerarkan, iyo sidoo kale qof kasta oo doonaya inuu waxyeello gaarsiiyo Mareykanka, ogaada “Ma cafin doonno; ma iloobi doonno, ”ayuu yiri Biden.
Mr. Biden ayaa khudbad uu xalay ka jeediyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ku xaqiijiyay in weeraka ay fuliyeen Kooxda dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan, ISKP (Isis –K) oo ah garabka la ISIL-ta ee Afghanistan.
Waxaa la rumeysan yahay inay tahay askartii ugu badneyd ee Mareykan ah ee hal mar lagu dilo dalka Afghanistaan tan iyo markii 30 shaqaale ah ay dhinteen markii diyaarad nooca qumaatiga u kacda la soo riday bishii Siddeedaad ee 2011-kii.