Xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa cambaareeyay falkii looga wareejiyay ciidamda sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da oo ilaalinayay hooyga ku xigeenka madaxweynaha dalka ee Ruto.
Waxaa uu xusay in aan marnaba la fududeysan karin xaqiijinta badqabka qof mas’uul ah.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da oo ilaalinayay hooyga Ruto halkaasi lagu wareejiyay.
Waxaa lagu beddelay booliska maamulka ee loo yaqaano AP-da taasoo ay xulafada madaxweyne ku xigeenka dhaliileen.
Hasa ahaate waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa isbeddelkan ku tilmaantay mid caadi ah.
Home Wararka Kenya Francis Atwoli oo cambaareeyay falkii looga wareejiyay ciidamadii ee ilaalinyay hoyga Ruto