Wasiirka Waxbarashada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa si kulul uga hadlay hannaanka uu Hanti-dhawrka guud ee Puntland u maray barista Agaasimayaasha waaxaha wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka waxaa uu sheegay in waddo sax ah uusan u marin Hanti-dhawrka Puntland xerista Akoonada Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqa-joojinta lagu sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddaasi.
Sidoo kale waxaa uu walaac xoogan ka muujiyay in Xubnaha wasaaradda ee lagu eedeeyo wax-isdaba marin iyo musuq maasuq, iyadoo aan la soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya inay falkaas ku lug leeyihiin
Ugu dambeyn Wasiirka Waxbarashada maamulka Puntland, Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in tallabada uu qaaday Hanti dhowraha Puntland ay keeni karto inay Hay’adaha joojiyaan dhaqaalihii ay ku taageeri jireen wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Maalmo ka hor ayuu Hanti-dhawrka Puntland waxaa uu ka joojiyay Shaqada qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, kuwaas oo lagu eedeeyay musuq maasuq.
Home Wararka Soomaaliya Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka hadlay mas’uuliyiin wasaaradda ka tirsan oo la...