DHAGEYSO:Madaxda kaniisadaha oo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ka codsaday inay heshiiyaan

0
542

Hoggaamiyaasha kaniisadaha dalka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Mombasa ee gobolka xeebta ayaa madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ka codsaday inay xalliyaan khilaafka ka dhexeya.
Waxay sheegeen in labadan mas’uul ay heshiis ka gaari karaan isfahan waaga jiro iyagoo dalka u daneynaya.
Waxay tusaale u soo qaateen heshiiskii 2018-kii dhexmaray Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga oo si wayn siyaasad ahaan iskaga soo horjeeday.
Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in maadaama lagu guda jiro xilli loo diyaar garoobaya doorashada guud ee sanadka 2022-ka aan loo baahneyn inuu sii xoogeysto khilaafka Uhuru iyo Ruto.

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta uu ku xigeenkiisa ugu baaqay inuu is casilo hadii uunan ku qanacsanayn ka mid ahaanshaha maamulka talada haya ee Jubilee.
Waxaa uu Ruto ku eedeyay inuu si joogto ah u dhaliilo waxqabadka dowladda dhexe isagoo dhanka kale ah hoggaamiyaha labaad ee Kenya taasina aynan suurtagal ahayn .
William Ruto ayaa dhankiisa sheegay inuusan is-dhiibi doonin isagoo tilmaamay inaysan xilligan munaasab ahayn caga-jugleyn iyo dhibaateyn.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU-da oo ilaalinayay hooyga Ruto halkaasi lagu wareejiyay.
Waxaa lagu beddelay booliska maamulka ee loo yaqaano AP-da taasoo ay xulafada madaxweyne ku xigeenka dhaliileen.
Hasa ahaate waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa isbeddelkan ku tilmaantay mid caadi ah.
Waxaa arrinkan caambaareeyay xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli oo xusay in aan marnaba la fududeysan karin xaqiijinta badqabka qof mas’uul ah.