Maamulka Galmudug oo ka hadlay la wareegitaanka Al-Shabaab ee Bacaadweyn iyo Camaara

0
480

Wasiirka warfaafinta maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudg Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbahainta Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa uu beeniyay in ciidamada xoogga iyo daraariishta Maamulka Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee dagaalka deegaanada koofur ta gobolka Mudug.
Wasiir Falagle ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya aysan ka bixin deegaanada Camaara, Bacadweyn, Shabeelow iyo deegaano kale oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug, balse waxaa xusid mudan deegaanadaa ay shalay isaga baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Maamulka Galmudug gacantana ay u galeen Al-shabaab.
Ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ayaa wararku sheegayaan inay shalay gabi ahaanba faarujiyeen deegaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug, halkaasioo dagaal culus uu ku dhexmaray cidiamada xoogga iyo dagaalameyaasha Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in dagaalameyaal aad u badan oo hubaysan kana tirsan al shababa ay galinkii danbe ee shalay deegaanadaasi la wareegeen.
Maalinkii Talaadadii ayey aheyd markii ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ay dib u qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug, halkaasoo muddo kooban ay haysteen Al-Shabaab.
Isla maalinkaas, waxaa jiray duqayn dhanka cirka ah oo lala beegsaday maleeshiyada ururka Al-Shabaab eek u sugan nawaaxiga Magaalada Camaara, waxaana taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 90 Xubnood oo maleeshiyaadka Shabaab ka tirsan.
Militariga Mareykanka ayaa goor dambe isan sheegay inay fuliyeen duqeyntaas ayna la beegsadeen goobo ay shabaabku ku sugnaayeen sidoo kalena ay hubiyeen inaysan dad shacab ah waxba ku noqon balse ay qaybmaynayaan qasaaraha shabaabka ka soo gaaray duqayntaasi.