DHAGEYSO:5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kakamega

0
489

Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib shil ka dhacay dowlad deegaanka Kakamega ee galbeedka dalka.
Shilka ayaa yimid kadib markii booyad shidaal siday ay wadada ka baxday kuna dhacday gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda.
Wararka ayaa intaa ku daraya in baabuurka xamuulka uu ugu dambeyn dab ka kacay iyadoo dabkaasi uu qabsaday labo baabuur oo kale.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay aagga Mukhonje ee wadada xiriirisa magaalooyinka Eldoret iyo Webuye.
Shakhsiyaad uu shilka ka soo gaaray dhaawac culus ayaan ilaa iyo hadda la aqoonsaday mid ka mid ah keliya.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kakamega Mr. Xasan Barua ayaa tirada dhaawaca ku sheegay toddobo qof.
6 ka mid ah dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka Webuye halka midka toddobaad loo qaaday xarunta caafimaad ee degmada Lumakanda .
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ammaanka ayaa faahfaahinaya khasaaraha ka dhashay shilka

Goobjoogayaal iyo mid ka mid ah darawaliinta ayaa laga soo xigtay in darawalkii baabuurka shidaalka uu si xowli ah u kaxeynayay taasoo keentay inuu xakameyn waayo wadadana ka baxo.

Shilka oo sababay ciriiri dhanka isku socodka gaadiidka ee wadada wayn ee Eldoret-Webuye ayaa imaanaya ka dib markii dhawaan 6 qof ay ku dhinteen shil kale oo halkaasi laga soo tabiyay.
Shacabka deegaankaasi iyo madaxda siyaasadeed ayaa dowladda dhexe gaar ahaan maamulka qaran ee waddooyinka waawayn ee KeNHA ka codsaday in wax ka qabto shilalka aaggaasi ku soo badanaya oo tan iyo bishii koowaad ee sanadkan galaaftay nolosha 39 qof.