180 carruur ah oo lagu dilay gudaha wadanka Ukraine

0
306

Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 180 caruur ah la dilay tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaankooda 24-kii bishii February ee sanadkaan.
Dhinaca kalena Tirada dadka ku dhintay weerarkii lagu qaaday saldhiga tareenka ee Kramatorsk ayaa gaartay 57 qof, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.
Hogaamiyaha Austria Karl Nehammer ayaa u safraya magaalada Moscow si uu ula kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in Ukraine ay xaalad xasaasi ah wajahayso iyadoo Ruushka uu isku diyaarinayo inuu weeraro mar kale ka fuliyo bariga wadanka Ukraine.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka ayaa sheegay inay jiraan “calaamado waaweyn” oo muujinaya dambiyada dagaal ee ka dhacay gudaha wadanka Ukraine.