18 qof oo u dhashay Itoobiya oo lagu xiray Wajeer

0
343

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Wajeer ayaa gacanta ku dhigay 18 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Itoobiya.
Waxay ku eedeysan yihiin in ay gudaha Kenya ku joogaan si sharci darro ah.
Shakhsiyaadkan ayaa la soo qabtay ka dib howlgal ay iska kaashadeen saraakiisha waaxyo kala duwan kaasi oo laga sameeyay degmada Korondile ee Waqooyiga Wajeer iyo agagaarkeeda.
Warbixinta booliiska waxaa ku cad in eedeysanayaasha ay ku jiraan saldhigga booliiska ee Korondile iyagoo sugaya in maxkamadda la soo taago si dacwad loogu soo oogo.