178 ruux oo lagu dilay Qaza 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
172

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay 178 Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada ay Israa’iil halkaasi ka wado.
Waxaa saacadahan gudahooda la dhaawacay 293 ruux oo dheeraad ah.
Tani ayaa tirada guud ee dadka ku dhintay duqeymaha Israa’iil ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore ka dhigaysa ugu yaraan 25,105.
Dhaawaca waxaa uu maraya 62,681 ruux.
Dhanka kale Israa’iil ayaa weli howlgallo dad lagu xiraya ka wado Daanta Galbeed ee la haysto.