Golaha barasaabyada oo baarlamaanka la kaashanaya qaybsashada dakhliga

0
475

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (CoG) ayaa sheegay inuu kaashan doono baarlamaanka si isbeddel loogu sameeyo xeerarka u degsan qaybsashada dhaqaalaha wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii maxkamadda sare iyo midda racfaanka ay isku raaceen inuu sharci darro yahay geeddisocodka BBI.
BBI ayaa lagu waday inay horseeddo kordhinta miisaaniyadda ay dowladda dhexe siiso ismaamullada ee hadda ah boqolkiiba 16.9 si looga dhigo 35 boqolkiiba.
Guddoomiyaha guddiga CoG ee arrimaha sharciga ahna barasaabka ismaamulka Meru ,Kiraitu Murungi ayaa sheegay in qorshaha BBI ee la laalay ay qayb ka ahayeen soo jeedinno faa’iidooyin u leh dowlad deegaanada oo aan laga maarmi karin.
Mr.Murungi ayaa dhanka kale dhaliilay tallaabadii xaakinada maxkamadda racfaanka ay waxba kama jiraan uga soo qaadeen nidaamka sharci beddelka isagoo xusay in garsoorayaasha aynan tixgelin qodobbo muhiim ah.