Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa aqbalay go’aankii maxkamadda rafcaanka ay meesha uga saartay qorsha sharci beddelka ee BBI.
6 ka mid ah toddobada xaakin oo uu hor kacayo madaxa maxkamadda racfaanka ee Kenya Daniel Musinga ayaa ayiday go’aankii ay maxkamadda sare bilooyin ka hor ku laashay geddiscodka BBI.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa qoraal uu bartiis rasmiga Twitter-ka kusoo qoray ayuu ku sheegay in horay loo sii soconayo.
Waxaa uu intaa ku daray in dhinacyadii ku lugta lahaa hannaanka BBI ay iyagana go’aamadooda gaarayaan.
Mr. Odinga ayaa xusay in tani aysan ahayn dhamaadkii qorshahooda islamarkaana ay horay u sii soconayaan.
Hoggaamiyaha xisbiga ODM ayaa ku adkaystay in arrimihii ay doonayeen in lagu xalliyo qodobadii ku jiray BBI ay waddooyin kale wax uga qaban doonaan.
Qodobadii ku jiray qorshaha la doonayay in wax looga beddelo xeerarka wadanka ee BBI waxaa ka mid ahaa in dalka uu yeesbo ra’iisul wasaare iyo 70 deegaan baarlamaaneyd oo dheeraad ah.
Dhanka kale hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in aysan jirin cid looga adkaaday geedisocodkii BBI.
Waxaa uu xusay in sarreynta sharciga ay tahay waxa ugu muhiimsan ee loo hoggaansamo.
Waxaa sidoo kale go’aanka maxkamadda racfaanka aqbalay hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi, isaga oo sheegay inuu xushmeynayo.