Maxay tahay sababta markale loo xiray Cabdimaalik Muuse Coldoon?

0
909

Ciidamada booliska ee Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa xiray Cabdimaalik Shiikh Muuse Coldoon oo ah saxafi iyo samafale caan ah.
Wariye Coldoon ayaa la sheegay in uu ku sugnaa goobtiisa shaqada, kaddibna halkaas ay ugu yimaadeen ciidamada booliska ee Soomaaliland.
Cabdimaalik Coldoon ayaa muddooyinkii dambe ka hadlayay wararka ku saabsan xarunta dhaqanka magaalada Hargeysa oo uu sheegay in ay tahay xarun faafinaysa falal anshax xumo ah oo ka soo horjeeda diinta Islaamka.
Xukuumada Soomaaliland ayaa gaashaanka u daruurtay eedaha uu Coldoon u jeediyay xarumahaasi, sidookale madaxda Xarunta Dhaqanka, ee dowladda Soomaaliland iyo qaar kamid ah abwaaniinta ugu waawayn Jamhuuriyaddasi ayaa waxba kama jiraan ku til mamay eedaha Coldoon.
Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay, ayaa muujinayay Coldoon oo askar ka tirsan Booliiska Somaliland ay xabsiga kusii wadaan isagoo ku sugan magaalada Burco. Mas’uuliyiinta Gobolka Togdheer iyo laamaha ammaanka ayaan weli ka hadlin waxa uu salka ku hayo xariga Cabdimaalik hase yeeshee toddobaadkan ayaa naqdiyay khudbad uu madaxweyne Muuse Biixi uu ka jeediyay xaflad uu ku qalin jabinayeen arday dhameysatay waxbarshada jaamacadda Barwaaqo.
Cabdimaalik ayaa sheegay in khubbadda madaxweynaha uu ku weerayay dadka dhaliila Dugsiyada Abaarso isaga oo aan hayn xog sax ah oo ku saabsan Abaarso.