IPOA oo baaraysa dil laga gaystay xaafadda Kayole ee Nairobi

0
652

Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA ayaa billaabay baaritaanno la xiriira dil la sheegay in ciidamada booliska ay ka gaysteen xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi.
Guddoomiyaha IPOA Anne Makori ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in baaritaannada lagu ogaan doono in dilka uu dhacay xilli ay laamaha ammaanka dhaqangalinayeen bandowga habeenkii.
Waxaa ay sidoo kale sheegtay in maamulka uu xaqiijin doono in qofka uu dhaawac ay booliska sababeen uu u geeriyooday.
Shalay ayay ahayd markii ciidamada booliiska ee Kayole ay kala eryeen dadka deegaanka oo ka banaan baxayay dilka loo gaystay mid ka mid bulshada xaafaddaasi.
Dadka isu soo baxa sameeyay ayaa ku andacooonayay in John Kiiru ay dileen askar boolis ah, kuwaasoo dhaqangalinayay bandowga habeenkii.