Iyadoo saacadaha nagu soo aaddan la filayo in la ogaado mustaqbalka qorshaha sharci beddelka ee BBI ayay qaar ka mid ah shacabka dalka siyaabo kala duwan uga hadleen arrinkan.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa rajeynaya in garsoorayaasha uu hoggaaminayo madaxa maxkamadda racfaanka Daniel Musinga ay ayidi doonaan go’aankii maxkamadda sare ay ku laashay nidaamkan.
Sidoo kale Kenyaanka qaar ayaa sheegaya in xaakinnada ay soo saari doonaan go’aan wadanka u horseedaya inay afti dastuuri ah ka dhacdo si xeerarka degsan wax looga beddelo.