Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa lagu soo warramayaa inay soo saartay warbixin digniin ah ka dib xog-uruurin ay sameysay.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in kooxda Taalibaan ee la wareegtay maamulka dalka Afghanistan ay si gaar ah ugu raadjoogto howlwadeenadii la shaqeynayay Maraykanka iyo ciidamada gaashaanbuurta NATO.
Kooxda ayaa xogta lagu ogaaday inay baaritaan ka sameynayso guriba guriga ku xiga si ay shakhsiyaadkan gacanta ugu dhigto.
Waxaa warbixinta ku cad in Taalibaan ay adeegsanayso liis ay mudnaanta koowaad siinayso iyadoo ku goodisay inay howlwadeenadan ka takhalusi doonto.
Sidoo kale hadii saraakiishan aynan isku soo dhiibin Taalibaan waxaa la xirayaa xubnaha qoysaskooda.