174 qof oo lagu dilay Qaza 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay

0
199

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay weerarrada ay weli Israa’iil wado lagu dilay 174 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa dhanka kale duqeymaha lagu dhaawacay 310 ruux oo dheeraad ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ay Israa’iil ku amartay inay qaaddo tallaabooyin looga hortagaya xasuuqa shacabka Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxay Israa’iil gudaha Qaza ku dishay ugu yaraan 26,257 qof halka ay dhaawacday 64,797 kale.