Bayaan ay soo saartay dowladda dalka Koonfur Africka ayaa lagu sheegay in madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma uu maari doona qaliin isagoona sido kale ku sii jiraya isbitalka maalmaha soo socdo sii lagu sameeyo baaritaano dheeraad ah.
Xarunta caafimad ee Zuma loo wareejiyaay horraantii bishaan ayay khubarrada cafimaadka sheegeen in aysan saadaalin karin xilligaa laga saarayo.
Zuma oo 79-sano jir ah ayaa isbitaalka la dhigay 6-dii bishaan hayeeshe lama shacin xanuunka haya.
Madaxweynihi hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma oo wajahaya 15 bil oo xarig ayaa lagu soo eedeyaay arrimo musuqmasuq la xirira iyadoo toddobaadkii hore dib loo dhigay maxkamadeyntiisa.
Zuma oo dalkaas hoggaminayaay intii u dhaxeysay 2009 ila 2018-kii ayaa maxkamadda ka soo hor muuqaan doona bisha dambe.
Tallabadaan ayaa lagu sheegay mid lagu hubinaya in caafimaad ahaan madaxweynihi hore uu diyar uu yahay maxkamadeyntiisa.