Ugu yaraan shan qof ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Kabul, ka dib markii boqolaal qof oo isku dayayay inay xoog ku galaan diyaaradaha ka baxayay Afghanistan.
Waxaa sidatan ku warrameysa wakaallada wararka ee Reuters oo soo xigatay dad goobjoogayaal.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay inuu arkay meydadka shan qof oo baabuur lagu qaadayay.
Goobjooge kale ayaa dhanka kale sheegay inaysan caddayn in dadka la dilay ay ku dhinteen rasaas iyo is-buurasho.
Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku haya gegida diyaaradaha ee caasimadda Kabul, ayaa lagu soo warramayaa inay cirka u rideen rasaas si ay u kala eryaan kummanaan kun oo qof oo isugu tegay garoonka diyaaradaha, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.
Sidoo kale ciidamada Mareykanka ayaa gacan ka geysanaya daadgureynta shaqaalaha safaaraddeeda iyo dadka kale ee rayidka ah.
Bayaan kasoo baxay xafiiska u qaabilsan warbaahinta ee gegida diyaaradaha caalamiga ee Xamiid Karzai ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan duulimaadyadii rayidka ee garoonka.
Taalibaan ayaa dhankooda ku boorisay dadka isugu yimid garoonka diyaaradaha inay guryahooda ku laabtaan, iyadoo hoggaamiyeyaasha Taaliban ee goobta ku sugnaa ay shaaciyeen in aan waxyeello loo geysan doonin dadka rayidka ah.
Dhanka kale afhayeenka Taalibaan Suhail Shaheen ayaa qoraal uu bartiisa rasmiga ee Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in kooxdu ay dagaalyahannadeeda ku amartay in aysan guryaha geli karin fasax la’aan.
Waxaa uu sheegay in xooggaaga Taalibaan ay ilaali doono nolosha, maalka iyo sharafta shacabka wadanka Afghanistan.