Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee dalka Soomaaliya ayaa Maalintii Saddexaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku leeyihiin Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda doorashooyinka dalkaasi.
Kulanka Maanta ayaa waxaa ku biiray Ururrada Bulshada rayidka oo Midowga Musharixiinta kala hadlay arrimahaa la xiriira doorashooyinkii dhacay ee Aqalka Sare iyo kuwa Aqalka Hoose ee dhawaan dhacaya, kuwaas oo sida ay ku billowdeen ay Midowga Musharixiinta walaac ka muujiyeen.
Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa Ururrada Bulshada rayidka waxaa uu la wadaagay mowqifka Musharrixiinta ee sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare iyo in kuwa Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ay noqdaan kuwo ku dhaca si xur iyo xalaal ah.
Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cusmaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay in sida ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ay yihiin musuqmaasuq, islamarkaana ay noqon doonaan kuwo dhibaato ku noqon doonta dowladda soo socota.
Xubnaha Midowga Musharixiinta oo wada la tashiyo kala duwan ayaa waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan Rw Wasaare Rooble oo gacanta ku haaya howlaha doorashoohinka iyo Wakiillada Beesha Caalamka.
Home Wararka Soomaaliya Midowga musharrixiinta oo kulan la qaatay ururrada bulshada rayidka Soomaaliya