Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar madaafiic ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Dad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda, kuwaas oo ku dhacay Xaafadaha ku dhow Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo.
Waxaa ay wararku intaa ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Garoonka diyaaradsha Magaalada Baydhabo ay dhankooda madaafiic dhowr ah ugu jawaabeen Xubnaha Al-Shabaab ee weerarka madaafiicda ah kusoo qaaday.
Weerarka Madaafiicda ah ee lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli doorashada Aqalka Sare ay ka dhacday Magaalada Baydhabo sidoo kale ay Ciidamada Nabadsugida wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.