Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa maanta shaaciyay in shaqadii ay hayeen laga eryay sagaal sarkaal oo isugu jiro kuwa amniga iyo maamulka ee deegaanka Bahati ee ismaamulka Nakuru.
Tani ayaa timid ka dib markii dad dhowr ah ay dhawaan u dhinteen khamri ay isticmaaleen.
Ciidamada ammaanka iyo kuwa maamulka ee shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeyay inaynan waajibaadkooda gudan oo aynan si buuxda ula dagaalamin isticmaalka maandooriyaha.
Mr. Natembeya oo faahfaahin ka bixinaya isbeddellada uu sameeyay ayaa yiri