Kenya oo helaysa daawooyinka tallaalka COVID19 oo dheeraad ah

0
294

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay hesho daawooyinka loo adeegsanaya tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 oo dheeraad ah gaar ahaan nooca loo yaqaano Oxford AstraZeneca.
Waxaa taageeradan bixinaysa boqortooyada Ingiriiska .
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in tani ay sare u qaadi doonto dadaallada lagula tacaalaya faafidda caabuqa corona si loo tallaalo dhammaan dadka waawayn.
Danjiraha dowladda Britan ku matasho Kenya Jane Marriott ayaa sheegtay in tallaalka ay ku deeqayaan uu yahay 407,000 oo kuuro.
Galinka dambe ee berri oo Talaado ah ayaa la filayaa in daawooyinkan laga soo dejiyo garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Bishii hore ayay ahayd markii ay Kenya boqortooyada Ingiriiska ka heshay 410,000 oo ah tallaalka nooca AstraZeneca.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa qorsheynaysa in ugu dambeyn bisha 12-aad ee sanadkan cudurka COVID19 laga tallaalo ilaa 10 milyan oo qof.
Sidoo kale bishan gudaheeda waxaa la rajeynayaa in Kenya ay la soo wareegto 13 milyan oo ah tallaalka cudurka gaar ahaan nooca loo yaqaano Johnson & Johnson .
Kenya ayaa la daala dhacaysa hirkii afaraad ee caabuqa iyadoo faraca Delta laga diiwaangeliyay.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID19 ee ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay gudaha wadanka ayaa ah 220,727.