Mudavadi oo ku adkeysanaya inuu qayb ka yahay loolanka madaxtinimo ee 2022

0
413

Madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in qorshihiisa ku aaddan inuu sanadka soo socdo u tartamo hoggaanka dalka uunan waxba iska beddelin.
Waxaa uu ku gacan seyray baaqyada loo jeedinaya ee ah inuu taageero dhigiisa xisbiga ODM Raila Odinga.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Kenya ayaa xusay inay ka go’an tahay qabashada hoggaanka dalka si uu dib ugu soo nooleeyo dhaqaalaha.
Wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa sheegay inuu xilli hore billaabay inuu ka hadlo baahida loo qabo kobcinta dhaqaalaha Kenya.
Waxaa uu ku celceliyay in siyaasadiisa ay tahay mid ku saleysan sidii ay Kenya dhaqaale ahaan iskugu filnaan lahayd.
Hadalka Mudavadi ayaa ku soo aadaya iyadoo toddobaadkan gudihiisa uu magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru shir uga furmaya siyaasiyiinta uu ka midka yahay ee daladda Kenya hal ah loona yaqaano OKA.
Madaxda kala ah Musalia Mudavadi, Gideon Moi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa ka arrinsan doono cidda sanadka 2022-ka ku matalaysa loolanka siyaasadeed ee madaxtinimada Kenya.