DHAGEYSO:Ruto: Waa laga gudbayaa siyaasadda ku saleysan qabyaaladda

0
401

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo socdaal ku tagay xaafadda Kawangware ee ismaamulka Nairobi ayaa carrabka ku dhuftay in laga gudbi doono siyaasadda qabyaaladda ku saleysan.
Waxaa uu mar kale sii xoojiyay u ololeynta xeeladiisa siyaasadeed ee ah in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo la garab qabanaya ganacsatada yaryar , dhallinyarada shaqo la’aanta ah iyo danyarta.
Ruto ayaa xusay in loo baahan yahay in doodda siyaasadeed ee xilligan ay noqoto mid ku saabsan mideynta kenyaanka iyo wax ka qabashada dhaqaale uu saameeyay cudurka COVID19.
Madaxweyne ku xigeenka dalka oo u muuqday inuu bartilmaameedsanaya siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay daladda OKA ayaa ku celceliyay in laga soo gudbiyay xilligii laga wada hadli jiray awood qaybsi oo ay tahay in awoodsiin loo sameeyo malaayiin kenyaanka caadiga ah.
Hoggaamiye ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay inay jiraan dhinacyo isbeheysanaya si ay isaga uga guulaystaan xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka balse uu ku wargelinayo inay diyaar garobaan

Waxaa qorshaha Ruto soo dhaweeyay qaar ka mid ah xulafadiisa siyaasadeed.