Wasiirka difaaca Soomaaliya oo loo doortay xubin ka tirsan aqalka sare

0
520

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo loo doortay xubin ka tirsan aqalka sare
Golaha Wakiilada Maamul goboleedka Soomaaliyeed Koonfur Galbeed ayaa goor dhow Wasiirka wasaarada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji u doortay Senatar ka Tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.
Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa waxaa doorashaadaan kula tartamay Musharax Cabdiraxaman Maxamed Cabdullaahi, waxaana doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ku guuleystay Xasan Xuseen.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa helay Codad gaaraya 74, halka Musharaxii la tartamayay Cabdiraxaman Maxamed uu isna helay 14 Cod, isla markaana waxaa halaabay 3 Cod, Xarunta Doorashooyinku ka dhacayeen waxaa ku sugnaa 19 Xubnood ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya oo saakay halkaas Safar ku tagay.
Doorashada lagu dhameystirayo Xildhibaanada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee deegaanada Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa weli ka socota howlka Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas ee Magaalada Baydhabo.
Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah Maanta u bilowdey dhameystirka xubnaha Aqalka sare ku matali doona Afarta sano ee soo socota, waxaana horey loo doortay 5 Senator, kadib doorashado ka dhacday Magaalada Baydhabo labadii Bishaan.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqonaya Maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay Maamulka Puntland oo dhamaan doortay hal mar wada Doortay 11 Xubnood ee ku matalaya Aqalka Sare Soomaaliya.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland oo doorashada bilaabay waxayna doorteen Afar Xubnood Afar kalena u harsan yihiin halka Maamulka Galmudug lix kursi ay doorteen una harsan yihiin laba kursi oo ay ku loolami doonaan siyaasiyiin saameyn weyn ku leh degaannada Maamulka Galmudug.