DHAGEYSO:Ururrada bulshada oo dhaliil u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka

0
535

Dalladda ururrada rayidka ee dalka ayaa golaha qaran ee xeer dejinta ku dhaliishay inuusan ansaxin xeer uu soo saaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC.
Xeerkan ayaa ah mid lagu xaddidaya qarashaadka ay isticmaalaan xisbiyada kala duwan xilliga ololaha doorashada.
Baarlamaanka ayaa xeerkan ku tilmaamay mid aan lagu tallaabo qaadi karin maadaama laga soo gudbiyay xilligii uu ku haboonaa.
Xubnaha ururrada bulshada ee Kenya ayaa mudanayaasha u soo jeediyay inay dib u eegaan nidaamka ay laaleen.