Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Afghanistan Cabdul Sattar Mirzakwal ayaa sheegay inay jiri doonto dowlad ku meel gaar ah oo si nabad ah awoodda loogu wareejiyo.
Waxaa u sheegay in caasimadda Kabul aan la weerari doonin.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo aaday, kadib markii xooggaga Taaliban ay dagaalyahannadooda amreen inay dib uga laabtaan gelitaanka caasimadda Kabul.
Mr Cabdul oo khudbad maanta jeediyay xilli uu kasoo dhex muuqday shaashada ayuu dadweynaha Afghanistan ugu baaqay inaysan welwelin, madaama u jiri doono maamul si ku meel gaar ah xukunka si nabad ah loogu wareejiyo.
Dhanka kale ilo ku dhow madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu dalka ka cararay.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu inta badan subaxdii wakhti uu ku qaato beerta hoygiisa oo ku taalla qasriga madaxtooyada isaga iyo marwada koowaad.