Dowladda oo lacag siinaysa dadka ay abaarta saameysay

0
818

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaaday inay lacag dhan 558 milyan oo shilin u qoondeysay in lagu garab istaago dadka ay saameynta ba’an ka soo gaartay abaarta.
Barnaamijkan ayaa lagu bartilmaameedsanayaa ilaa 100,000 oo ah qoysaska danyarta ah ee dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa ka faa’iidaysanaya qoysas ku nool afar ka mid ah ismaamullada ku yaalla waqooyiga dalka sida Wajeer, Mandera, Turkana iyo Marsabit.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa oo arrinkan ka hadlay ayaa dhanka kale dowladaha ismaamullada ka codsaday inay laba jibaaraan dadaalkooda ay ku badbaadinayaan nolosha shacabka wajahaya xaaladda adag ee nololeed.