Qiimaha shidaalka dalka oo aan isbeddel lagu sameyn

0
503

Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa sheegay inuusan wax isbeddel ah ku sameyn qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka.
Xaaladda ayaa sidan ahaan doonto muddo hal bil ah laga billaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15-ka bisha siddeedaad.
Go’aanka maamulka EPRA ayaa ku soo aadaya iyadoo uu kordhay qiimaha shidaalka looga soo dejiyo dibadda wadanka.
Qiimaha ay Kenya kula soo wareegto shidaalka ee noocyada petrol, diesel iyo kerosene ayaa kordhay isku celcelis ahaan boqolkiiba 7.8.
EPRA ayaa shaacisay in caasimadda dalka ee Nairobi halkii liitar ee batrool ah lagu iibin doono 127.14 shilin halka diesel-ka uu yahay 107.66 shilin liitarkii.
Sidoo kale naaftada ama Kerosene ayaa lagu iibsan doonaa 97.85 halkii liitar sida laga soo xigtay agaasimaha guud ee maamulka tamarta iyo batroolka wadanka Daniel Kiptoo oo bayaan soo saaray.
Wasaaradda maaliyadda ee dalka ayaa sanadkan miisaaniyad dhan 1.4 bilyan oo shilin u qoondeysay isku dubarida howlaha shidaalka.