Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in howlgal la sameeyay lagu xiray 17 sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha waaxda socdaalka iyo bixinta adeegyada muwaadinnimo ee dalka.
Waxa uu intaasi ku daray in saraakiishan oo musuqmaasuqa ku eedeysan dacwado lagu soo oogay.
Kindiki ayaa xusay in ay dhanka kale socdaan baaritaano ay hoggaaminayaan saraakiisha waaxda sirdoonka ee dalka oo lagu aqoonsanaya howlwadeeno dheeraad ah oo ka faa’iidaysanaya gaabadka dhanka bixinta baasaboorrada iyagoo dadweynaha codsiyada gudbiyay ka qaadanaya lacago baad ah.
Xilli uu ka soo hormuuqday guddiga baarlamaanka ee arrimaha isdhexgalka gobolka ayuu wasiir Kindiki sheegay in dib u dhicii ku yimid soo saaridda baasaboorrada la xallinaya maadaama waaxda socdaalka laga bixiyay lacag dhan 380 milyan oo shilin oo ay qandaraasley ku lahaayeen.
Xilli uu ka hadlayay tallaabooyinka ay dowladda dhexe ku wanaajinaysa waxqabadka waaxda socdaalka ee dalka ayuu wasiirka sheegay in 17-da sarkaal ee la xiray lagu tuhmayo qaadashada lacago laaluush ah halka qaar ka mid ah saraakiisha qaabilsan qandaraasyada meelo kale loo wareejiyay iyadoo uu qorshuhu yahay in qaar ka mid ah saraakiisha ammaanka laga qaado xarunta dhexe ee waaxda ee daarta Nyayo House ee magaalada Nairobi.