17 qof oo loo xiray weerar lagu qaaday diyaarad uu saarna Raila Odinga

0
567

Laamaha ammanka ee dalka ayaa xabsiga u taxaabay 17 qof oo lala xiriirinaya weerar lagu qaaday diyaarad nooca qumaatiga u kacdo oo u la socday musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
Eedeysanayaasha ayaa dhagxaan ku tuuray diyaaradda uu watay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Mr. Odinga iyo hoggaamiyayaasha kale ee xulafada la ah isbeheysiga Azimio La Umoja ayaa ku sugnaa xilligii la weerarayay deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu, ahna goobta dhacdadan laga soo tabiyay.
Raila Odinga ayaa weerarkan ku tilmaamay mid siyaasadeysan, isagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxaha isaga ka soo horjeeda.
Sawirro diyaaradda laga soo qaaday iyo baabuurtii kale ay la socdeen xulafada Mr. Odinga ayaa waxa ka muuqday burbur xooggan.
Afhayeenka booliska ee Kenya Bruno Shioso ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in laamaha ammaanka ay qabteen lacag caddaan ah iyo taleefoonnada gacanta oo ay lahaayeen tuhmanayaasha kuwaas oo uu sheegay in lagu sameyn doono baaritaanno.
Mr.Shioso ayaa tilmaamay in muwaadin kasta iyo musharrax walbo uu xaq u leeyahay inuu booqdo meel kasta oo dalka ka mid ah.
Waxaa uu ugu baaqay madaxda siyaasadda iyo taageerayaashooda inay qaabilaan musharrax kasta oo ay ku jiraan kuwa ay kala aragti duwan yihiin.