17 qof oo lagu dilay Nuseirat

0
536

Weerarro ay Israa’iil ka gaysatay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee Bartamaha Qaza ayaa waxaa lagu dilay 17 qof.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegay in weerarrada lagu dhaawacay dhowr qof oo kale.
Waxaa horay loo soo tabiyay weerar kale oo lala eegtay guryo ku yaalla aagga u dhow xerada Bureij.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,347 qof oo Falastiiniyiin ah halka la dhaawacay 85,372 kale .