Ugu yaraan 17 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Marinka Gaza tan iyo waaberigii saaka , oo ay ku jiraan 16 ka mid ah magaalada Gaza, sida ay sheegeen ilo caafimaad oo la hadlay warbaahinta.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu wadaa inuu xafiiska Oval Office kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaddib soo jeedintii Mareykanka ee ahaa in la joojiyo dagaalka Gaza.