Taalibaan oo la sheegaya inay gudaha u galeen caasimadda Kabul

0
663

Waxaa lagu soo warramaya warar sheegaya in kooxda Taalibaan ay gudaha u galeen caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul.
Taalibaan ayaa dhinac walba ka soo gashay caasimadda Afghanistan ee Kabul maanta, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan.
Hasa ahaate, afhayeenka Taalibaan Suhail Shaheen ayaa beeniyay sheegashadaasi.
Waxaa uu sheegay in dagaalyahannadu ay ku hareereesan yihiin duleedka caasimadda Kabul.
Afhayeenka Taalibaan oo la hadlay warbaahinta Al Jazeera isagoo ka yimid magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa xusay in bayaan ay maanta soo saareen ku sheegeen in fallaagada Taaliban aysan geli doonin magaalada Kabul.
Taalibaan ayaa sidoo kale sheegtay inaysan qorshaynayn inay xoog kula wareegaan caasimadda Afganistaan ee Kabul.