AKHRISO:Kenya iyo Soomaliya oo xoojinaya xiriirkooda

0
634

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ku heshiiyay inay sii xoojiyaan cilaaqaadka ka dhexeya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay magaalada Muqdisho kulan ku yeesheen wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Raychelle Awour Omamo iyo dhigeeda Soomaaliya Maxamad Cabdirisaaq.
War murtiyeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in heshiis lagu gaaray qabanqaabada kal-fadhigga saddexaad ee iskaashiga labada dal.
Wasiirrada ayaa soo dhaweeyay in safiirrada dowladahooda ay dib ugu noqdeen xarumihii ay ka howlgalayeen ee Muqdisho iyo Nairobi.
Sidoo kale labada wasiir ayaa isla soo hadal qaaday muhiimadda xasiloonida gobolka waxayna sheegeen in dalalkoodu ay ka go’an tahay sidii ay uga wada shaqeyn lahayeen.
Wasiirrada ayaa ammaanay dadaallada maxalliga iyo kuwa caalamiga ee ka dhanka ah halista argagixisada.
Dhanka kale Kenya ayaa magaalada Muqdisho ka furatay xarumo cusub oo ay ku shaqeynayaan howlwadeenada safaaradda ay halkaasi ku leedahay.