Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ayaa laga billaabo maanta waxaa raaci doono tirada rakaabka ee ay qaadi karaan baabuurtan .
Wasaaradda gaadiidka ee dalka ayaa sheegtay in amarkan la soo saaray si ganacsatadan looga fududeeyo culeyska uu ku yeeshay cudurka ka dib markii lagu khasbay in rakaabka ay ka dhigaan saddex meelood hal meel.
Hasa ahaate dowladda ayaa wacad ku martay in shirkadii aan ilaalin xeerarka lagula tacaalaya caabuqa sida nadiifinta gawaarida lagala laaban doono leesinka ay ku howlgasho.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna oo dhawaan qoraal soo saaray ayaa dhankiisa gaadiidleyda iyo rakaabka xusuusiyay inay ku baraarugsanadaan halista cudurka oo ay adeegsadaan afxirka iyo gacmo dhaqashada.
Tallaabada ay qaaday dowladda dhexe ayaa waxaa soo dhaweeyay mataatuuleyda dalka oo horay cabasho uga muujinayay dhaqaale xumo.