DHAGEYSO:Bilad sharaf la guddoonsiin doono taliye Biixi hadii uu Al-Shabaab ka saaro Xarardheere

0
499

Culimada Awdiinka iyo Odayaasha Dhaqanka Deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo Muddo hal Bil ka badan ay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Dagaalo Culus kula Jireen Al-shabaab ayaa sheegay inay Abaalmarin iyo Bilad Sharafeed Guddoonsiin doonaan Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliya hadii uu Gacanta ku dhigo Degmada Xarardheere oo Al-Shabaab ay ku Xooggan Yihiin.
Taliye Biixi ayay ku bogaadiyeen Dhabar adayga uu Muujiyay Mudadii uu ku sugnaa deegaanada Gobolka Mudug waxayna Sheegeen inay markasta Hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka adag kula Jira kooxda Al-shabaab.
Culimada iyo odayaasha dhaqanka ee Geed fadhiga u ah dagaalka ka socda gobolka mudug ayaa xili ay warbaahinta la hadleen waxaa hadaladoodii ka mid ahaa