Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi ee loo yaqaano NMS ayaa billaabay inuu buufiyo goobaha ay dadku isugu yimadaan.
Barnaamijkan ayaa la fulinayaa xilliga habeenkii.
NMS ayaa sheegtay inay buufinta goobaha dadweynaha wadi doonto muddo saddex bilood ah si looga hor tago faafidda cudurka COVID19.
Nairobi ayaa ka mid ah ismaamullada dalka ee uu sida wayn u saameeyay caabuqa corona .