Guddiga dowladda ismaamulka Garissa u qaabilsan la tacaalidda cudurka COVID19 ayaa shacabka kula taliyay inay si buuxda ugu hoggaansamaan tallaabooyinka lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona.
Barasaab ku xigeenka Garissa Cabdi Dhaqane Muxumad ayaa soo jeediyay in la qaato daawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah cudurka si gaar ah dadka ay da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka sarreeya.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay agabka oksijiinka ee isbitaalka Garissa oo uu xusay inuu ku filan yahay daryeelka bukaanka
Cabdi Dhaqane ayaa dhanka kale ka hadlay ilaalinta xeerarka COVID19 gaar ahaan goobaha cibaadada isagoo dadweynaha ka codsaday inay isbitaalka geeyaan ehellada ay cudurka uga shakiyaan si loo baaro
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Garissa Boaz Cherutich ayaa sheegay inay billaabi doonaan wacyigelin ballaaran oo kenyaanka lagu fahansiinaya halista COVID19.
Sidoo kale waxaa uu digniin u diray gaadiidleyda isagoo xusuusiyay in aynan qaadi karin wax ka badan saddex meelood hal meel tirada rakaabka.