IEBC oo doonaysa in maxkamadda ay laasho dacwad ka dhan ah xeer ay soo saartay

0
472

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu ku doonayo inaan la tixelin kiis looga soo horjeedo xeer uu horay ugu dhawaaqay.
Xeerkan ayaa ah in siyaasiyiinta xilal doonka ah ee sanadka 2022-ka looga baahan yahay inay haystaan heerka waxbarasho ee shahaadada Degree.
Guddiga ayaa xusay in xeerkan oo aan la dhaqangelin ay noqonayso sharci darro.
Amarkan ayaa sidoo kale qabanaya siyaasiyiinta golaha baarlamaanka , golayaasha hoose iyo aqalka sare ku galo sida magacaabidda ah.
IEBC ayaa ku doodaysa in wakiillada iyo xildhibaanada baarlamaanka laga doonayo inay ka sinnaadaan u hoggaansanka xeerkan maadaama iyagana ay xeer dejiyaal yihiin.