Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in xariga ganacsade u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Aydin Haaruun ay tahay arrin siyaasadeed oo musiibo ah.
Waxaa uu xusay in dalka maalgashi laga sameeyo ay noqotay arrin dambi ah.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in Aydin Haaruun uu yahay dhibbane haysta waraaqo sax balse lagu tilmaamay argagixiso
Ganacsadaha Turkiga ayaa la xiray xilli uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Wilson Airport ee magaalada Nairobi kana yimid dalka Uganda.
Waxaa uu ka mid ahaa kooxdii ku xigeenka madaxweynaha William Ruto ee maalmo ka hor looga hor istaagay inay u safraan wadanka Uganda.
Mr Aydin ayaa la geeyay saldhig boolis oo ku yaalla Nairobi, balse loo wareejiyay xafiiska ciidamada qaabilsan la dagaalanka argagixisada ee (ATPU) ee wadada Ngong ee caasimadda dalka.
Ilaa iyo hadda ma cadda in looga shakisan yahay inuu wax dambi ah galay iyo sababta ay su’aalo u weydiinayaan saraakiisha ATPU-da.
Xildhibaanka deegaanka Kapsaret ee ismaamulka Uasin Gishu Oscar Sudi ayaa sheegay in isaga iyo ganacsadaha laga wada qabtay garoonka JKIA oo la geeyay saldhigga booliska ee xaafadda Kilimani hasa ahaate Aydin gudaha la dhigay isagana bannaanka looga tagay.
Sudi ayaa Aydin ku tilmaamay ganacsade la qadariyo oo haysto oggolaansho sax ah oo uu uga shaqeysan karo gudaha dalka taasina ay xaqiijisay safaaradda Turkiga ee Kenya.
Qareenada maalgashadaha ayaa ku andacoonaya in loo diiday inay la kulmaan.