Dowladda oo kordhisay muddada ay ardayda ugu biiri karaan dugsiyada sare

0
564

Dowladda dhexe ayaa muddo hal toddobaad ah ku kordhisay wakhtiga ay haystaan ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ee ku biiraya dugsiyada sare.
Arrikan ayaa shaaca looga qaaday wareegto ka soo baxday wasaaradda tacliinta ee wadanka.
Wasaaradda ayaa xustay in ardayda markii hore loo qabtay ilaa Jimcihii balse fursad dheeraad ah la siiyay si boqolkiiba boqol ay ugu gudbaan marxaladda xigta ee waxbarashada.
Qoraalka wasaaradda waxaa ku cad in kastoo ay ardayda badankoodu iska xaadiriyeen dugsiyada haddana inay jiraan kuwo aan weli tagin goobaha tacliinta ee loo qorsheeyay.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada dalka Paul Kibet ayaa dhanka kale maamulayaasha dugsiyada sare ku amray inay diiwaangeliyaan dhammaan ardayda xita kuwa aan soo dhameystirin lacagaha laga doonayo.
Kibet waxaa uu maamulayaasha u sheegay inay waalidiinta iyo dadka carruurta mas’uulka ka ah kala heshiiyaan qaabka ay u bixinayaan qarashaadka lagu dhigto dugsiyada.
Waxaa sanadkan dugsiyada sare ee dalka ku biiraya 585,942 oo gabdho ah halka tirada ardayda wiilasha ah ay tahay 585,323.
Dugsiyada heer qaran waxay sanadkan qaabileen gabdho gaaraya 17,406 iyo wiilal ay tiradoodu tahay 18,848 .