Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalaya bandow habeenkii oo bilaabanaya 6-da maqribnimo ilaa 6-da aroornimo oo ay dowladda dhexe ku soo rogtay ismaamullada kala ah Baringo, Galbeedka Pokot iyo Elgeyo Marakwet.
Waxaa ay sidoo kale mamnuucday isu imaatinka dadweynaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaaha qaranka Fred Matiang’Ii ayaa soo saaray digniin uu ku sheegay in amarka uu dhaqangalayo laga bilaabo maanta.
Ismaamulladan ayaa muddooyiinkii la soo dhaafay laga soo tabiyay dagaalo ku saleysan dhac iyo qabiil.